Skip to content

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay sii wadayaan duqeymaha ay ka geysanayaan duleedka xerada qaxootiga ee Al-Shati, oo dhacda galbeedka magaalada Qasa. Waxa ay sheegeen in howlgalladooda ciidan ay ka mid yihiin Jaamacadda Al-Qudus iyo Masjidka Abuu Bakar, iyagoo sheegay in dagaalyahannada Xamaas ay ka howlgalaan halkaas. Waxay baahiyeen sawiro muujinaya sida ay sheegeen dhowr iyo toban hub iyo agab ciidan oo lagu soo qabtay howlgalladaas, iyo kuwa la sheegay in laga soo saaray guryo ay deganaayeenxubno ka tirsan Jabhadda hubeysan ee Islaamig Jihaad, iyadoo aan la sheegin magacyadooda. Israa’iil ayaa u sheegtay Falastiiniyiinta ku sugan waqooyiga Marinka Qasa in ay halkaa ka baxaanayna aadaan dhanka koonfureed toddobaadyo ka hor. Askarta Israa’iil ayaa aaggaas ka hawlgalayey muddo ku dhow toddobaad.

by isxaaq rashiid Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay sii wadayaan duqeymaha ay ka geysanayaan duleedka xerada qaxootiga ee Al-Shati, oo dhacda galbeedka magaalada Qasa. Waxa ay sheegeen in howlgalladooda ciidan ay ka mid yihiin Jaamacadda Al-Qudus iyo Masjidka Abuu…

Read more

golaha wasiirada soomaaliya oo ansaxiyay hindise sharciyeedka amniga seybarka iyo xeer nidaamiyaha hay’adda nabad sugidda

By isxaaq rashiid Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada XFS oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Amniga Saybarka iyo Xeer Nidaamiyaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka. Golaha…

Read more
Back To Top