skip to Main Content

golaha wasiirada soomaaliya oo ansaxiyay hindise sharciyeedka amniga seybarka iyo xeer nidaamiyaha hay’adda nabad sugidda

By isxaaq rashiid Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada XFS oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Amniga Saybarka iyo Xeer Nidaamiyaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Golaha ayaa la horkeenay warbixinta baaxadda dhibaatada ka dhalatay roobabka iyo daadadka El-nino ee ka da’ay gobollo badan oo ka mid ah dalka, waxa ayna goluhu fareen hay’adaha ka shaqeynaya gurmadka in la dardargeliyo sidii deg-deg gurmad loola gaari lahaa meelaha uu saameynta xoogga ku yeesheen daadadka.

 

 

 

 

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa looga dhageystay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka Wasaaradaha Gaashaadhigga iyo Amniga Gudaha oo soo bandhigay howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu xoreynayey isla markaana ciidanku hadda ku hawlan yihiin samotabixinta dadka fatahaadaha roobabku saameeyeen.

Agaasimaha Hay’adda NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa Golaha Wasiirada Soomaaliya uga mahadceliyay ansixinta Xeer-Nidaamiyaha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya.

Waxaan aad ugu mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Xukuu-madda Jamhuuridda Federaalka Soomaliya ee maanta (9/11/2023) meel-mariyey XEER-NIDAAMIYAHA Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugiddaQaran, kadib markii uu soo maray dhammaan habraaca diyaarinta 2 Xeer-nidaamiyayaasha.

 

 

Xeer-nidaamiyahan, oo ahmiyad iyo faa’iido weyn u leh socodsiinta iyohorumarinta howlaha Hay’adda; wuxuu ka jawaabayaa baahiyo taagan oo la xiriira dhaqangalinta qodobada sharciga HSNQ, wuxuuna Xeerkani, faah- faahinayaa isla markaana xeerinayaa arrimo lama huraan u ah shaqada Hay’adda,

Dhanka kale, waxaan u mahadnaqayaa dhammaan mas’uuliyiinta iyo howl- wadeennada kala duwan ee kaalinta ku lahaa fudaydinta iyo talada arrima-ha Xeerkan la xiriira ayaa lagu yiri@ Qoraal kasoo baxay Xafiiska Agaasimaha Hay’adda NISA Mahad Maxamed Salaad.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top