Skip to content

Axmed Madoobe oo balan-qaad culus u sameeyey reer Gedo, haddii Jubaland…

by Abdinajib Abdullahi

Kismaayo (Boundless media) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta mar kale ka hadlay xiisadda ka taagan gobolka Gedo oo mamulkiisu uusan ka talin muddo ka badan seddax sano.

Axmed Madoobe ayaa hadalkaan ka sheegay shir uu maanta ka furay magaalada Kismaayo oo heshiisyo cusub looga gaaro ‘isku dabaridka xasilinta Qaranka’ qorshahaan waxaa hoggaamineysa wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa codsaday in cid kasta ay ka caawiso sidii gobolka Gedo loogu soo celin lahaa gacanta Jubbaland, isla markaana meesha looga saari lahaa ‘danaha shakhsiga ah ee hadda lagu maamulo gobolkaas’ sida uu hadalkiisa u dhigay Axmed Madoobe.

“Waxaan Gedo u diri doonaa wafdi ay ku jirto dowladda federaalka, si loo xaliyio tabashada dadka reer Gedo, arrinta gobolka Gedo waxay u baahan tahay masuuliyad dowladnimo,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Wuxuu sheegay in wax dan ah aysan bulshada gobolkaas ugu jirin inay sii maamulaan shakhsiyaad aan laheyn masuuliyad dowladnimo, kuwaas oo sida uu sheegay danahooda gaarka ah ku gaaraya inay xoog iyo xeeladba ku sii heystaan bulshada gobolkaas.

Axmed Madoobe ayaa balan qaaday in wax cad oo la wada arki karo uu ka qaban doono gobolka Gedo, markii uu ku guuleysto in masuuliyadda gobolkaas ay dib ugu soo laabato maamulka Jubbaland.

Sidoo kale Axmed Madoobe wuxuu ka balan-qaaday reer Gedo in maamul dambe aan loo magacaabi doonin gobolkaas, balse bulshada loo dhisi doono nimaad dowli ah iyo gole deegaan, si ay isku soo doortaan.

Maalmo ka hor waxaa Garbahaarey laga soo celiyey  diyaarad siday maamul cusub oo Axmed Madoobe uu u magacaabay gobolka Gedo, waxaana halkaas ka taliya siyaasiyiin aan ka amar qaadan Jubbaland iyo dowladda dhexe toona.

Seddax sano ka hor, xukuumadii Farmaajo ayaa Gedo ka faro-maroojisay maamulka Jubbaland, waxaana iyadoo hal sano uu Farmaajo ka sii maqan yahay xukunka xal loo weysan yahay khilaafka maamul ee ka jira gobolkaas.

xaquuqda weydhowrantahay: Boudless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top