skip to Main Content

La-taliyaha madaxweyne Xasan Sheekh oo war kasoo saartay tallaabadii Galmudug

by Abdinajib Abdullahi 

Muqdisho (Boundless media) – La-taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xakameynta qul-qulka hubka sharci darrada ah ee Soomaaliya Marwo Makko Maxamuud Muuse ayaa bogaadisay tallaabadii uu Baarlamaanka Galmudug ku ansixiyay sharciga xakameynta hubka.

Waxay sheegtay in sharcigaan uu muhiim u yahay in la xakameeyo hubka sharci darrada ah, islamarkaana ay tallaabadan qeyb ka tahay aragtida madaxweynaha Soomaaliya ee in la xoojiyo in hay’adaha dowladda kaligood ay gacantavku hayaan awoodda dalka.

“Sharcigan ayaa muhiim u ah in la xakameeyo hubka aan sharciyeesneen ama aan ku jirin gacanta dowladda, waxaana tallabadan ay qeyb ka tahay aragtida Madaxweyne Xasan Sheekh ee ku aaddan in la xoojiyo in hay’adaha dowladda kaliya ay gacanta ku hayaan awoodda dalka ‘monopoly of violence’ si loo hirgaliyo Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah.” ayey ku tiri qoraal ay soo saartay Mako Maxamuud Muuse.

Sidoo kale waxay tilmaamtay La-taliye Makko in tallaabadan ay soo dedejin karto dadaalka madaxweyne Xasan Sheekh ee ku aaddan in Soomaaliya laga qaado cuna-qabatayna hubka ee saaran.

Waxay hoosta ka xariiqday in tallaabada iyo kuwa lamidka ah ay Soomaaliya u horseedi karaan qaadista cuna-qabataynta saaran, taasi oo laf dhabar u ah la-dagaalanka argagixisada.

Dhawaan ayey aheyd markii mudanayaasha golaha baarlamaanka dowlad-goboleedka Galmudug ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyay hindise-sharciyeedka xakameynta hubka Galmudug.
Hindise-sharciyeedkan meel-maray ayaa waxaa golaha baarlamaanka Galmudug horay ugu soo gudbisay wasaarada amniga gudaha dowlad-goboleedka Galmudug.

xaquuqda weydhowrantahay: Boudless media 

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top