skip to Main Content

Azimio oo xaqiijisay inay kulmeen Raila iyo Ruto

by abdinajib abdullahi

Nairobi(Boundless media)_Isbeheysiga mucaaradka ee Azimio ayaa bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyay kulan ay warbaahinta tabinaysay inuu dhex maray madaxa mucaaradka Raila Odinga iyo hoggaamiyaha dalka William Ruto.
Kulanka oo in uu qabsoomo uu fududeeyay madaxweynihii hore ee Nigeria , Olusegun Obasanjo ayuu garabka mucaaradka ee dalka ku tilmaamay mid horudhac u ahaa wada xaajoodyo daacad laga yahay.
Waxay sidoo kale Obasanjo uga mahadceliyeen inuu go’aansaday in si nabad ah lagu xalliyo isfahan waaga siyaasadeed.
Mucaaradka dalka ayaa intaasi ku daray inay ka go’an tahay in qaab wada hadal ah lagu xalliyo dhibaatooyinka bulsho , dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed ee hadda dalka uu wajahaya .
Sidoo kale waxay hoosta ka xarriiqeen in kastoo ay doonayaan in la dedejiyo xal u helidda dhibaatooyinka jira in haddana arrimihii ay tabanayeen aynan isbeddelin.
Isbeheysiga Azimio ayaa sheegay inuu doonaya in wada hadallada mudnaanta koowaad lagu siiyo yareynta qiimaha sarreeya ee maciishadda oo ay xuseen in xaaladdu ay ka sii dari doonto maadaama maxkamadda ay meesha ka saartay amar horay lagu xannibay dhaqangelinta xeerka maaliyadda ee Finance Act 2023.
Mucaaradka ayaa bayaankiisa ku tilmaamay inuu doonaya in wada hadallada siyaasadeed looga laabto xeerka maaliyadda ee sanadkan.
Sidoo kale waxay doonayaan in wada xaajoodyada looga hadlo in cid kasta ay saami ku leedahay dalka marka la eego qaybsashada xilalka kala duwan.
Qodobbada kale ee ay Azimio doonaysa inay la tagto miiska wada hadalka waxaa ka mid ah in baaritaano dabagal ah lagu sameeyo doorashadii 2022-kii , in dib loo soo dhiso guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC, in la qadariyo madax bannaanida xisbiyada siyaasadeed.
Bayaanka waxaa ku xusan in mucaaradka uu tixgelinaya xaqa ay garabka muxaafidka ee Kenya Kwanza u leeyihiin inay soo bandhigaan waxyaabaha u muhiimsan sidaasi si la mid ahna aynan rajeynayn in waxyaabaha ay mudnaanta siinayaan laga diido.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top