skip to Main Content

Booliska Tanzania oo xiray madaxa mucaaradka dalkaasi

Abdinajib Abdullahi

Saraakiisha booliska ee dalka Tanzania ayaa xabsiga dhigay hoggaamiyaha garabka mucaaradka ee ugu wayn wadankaasi ee Chadema Freeman Mbowe.

Wararka ayaa intaa ku daraya in la qabtay qaar ka mid ah xubnaha xisbigaasi.

Siyaasiyiintan ayaa la xiray galinkii hore ee maanta ka hor shirweyne qorsheysnaa oo lagu dalbanayo isbeddelo dastuuri ah sida laga soo xigtay xisbiga Chadema oo bayaan soo saaray.

Qoraalka oo lagu soo daabacay Twitter-ka waxaa lagu xusay in Freeman Mbowe iyo 10 xubnood waa barigii maanta laga qabtay magaala xeebeedka Mwanza oo ku taalla waqooyiga galbeed ee Tanzania.

Xisbiga Chadema ayaa cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay caburinta xuquuqda shacabka Tanzania.

Waxay sheegeen in howlgallada noocani ah ay la mid yihiin kuwii xilligii madaxweynihii geeriyooday ee dalkaasi John Pombe Magufuli .

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top