skip to Main Content

Soomaali badan oo nolol iyo hanti ku waayay kacdoonka Koonfur Afrika

Abdinajib Abdullahi

Sida ay Sheegayaan wararka naga soo gaaray dalka Koonufr Afrika, Soomaali badan oo nolol iyo hanti ku waayay kacdoonka Koonfur AfrikaBurcad hubeysan ayaa waxaa ay malimahan magaalada CapeTown ee waddanka Koofur Afrika ay dil, dhaawac iyo Boob hantiyadeed ay u geysteen dhalinyaro Soomaaliyeed, kuwaasi oo halkaasi goobo ganacsi ku lahaa.

Dadka lagu dilay khalalaasahaas waa kamda Allaha u naxariisto Axmed Macalin Jimcaale. Marxuunkaan ayaa dhintay halka Walaalkiis ka weyn ee Maxamed Macalin Jimcaale uu dhaawac yahay, kadib markii ay Kooxo hubaysani weerar ku galeen dukaan ay ku lahaayeen Xaafadda Kraaifontein oo ka tirsan Magaalada Cape Town, sida uu sheegayo weriyaha KNN ee dalka Koofur Afrika.

Dhanka kale, Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa tegay halka weerarka uu ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay baaritaano la xiriira sida uu dilka u dhacay iyo sidii lagu heli lahaa Burcadii ka dambeeysay dilkaas.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top