skip to Main Content

Cali Yare oo jawaab yaab leh kasoo saaray warqaddii looga saaray kooxda FARMAAJO

by Abdinajib Abdullahi Muqdisho(Boundless media) – Cali Yare Cali ayaa beeniyey inuu ka baxay xisbiga Farmaajo hoggaamiyo ee Nabad iyo Nolol, isagoo ka jawaabaya warqad uu ku saxiixnaa Afhayeenka Farmaajo oo saacadihii lasoo dhaafay lagu faafiyey baraha bulshada iyo warbaahinta.

Cali ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay in warqadaasi ay tahay is qarxin lagu kala dilayo waxa uu ugu yeeray ‘jamaahiirta’ oo uu kala jeedo taageerayaasha xisbiga Farmaajo ee Nabad iyo Nolol.

“Waxaan aqriyay warqad tilmaamo ISTASHHAADEED leh, oo lagu kala dhantaalayo cuddudda shacab iyo taageeradda baaxadda leh ee xisbigeennu leeyahay, laguna sheegay inaan anigu si iskeey ah uga baxay xisbigii aan 14 Sano ka hor wada aasaasannay Hoggaamiyaheenna, Madaxweyne hore Farmaajo iyo aniga [Ali Abdi Wardhere], ee ku soo billowday magicii TAYO, markii dambana aan u bixinnay magaca Nabad iyo Nolol,” ayuu yiri Cali Yare.

Sidoo kale Cali wuxuu sheegay in goordhow uu cadeyn doono mowqifkiisa cadeyn doono, “Hadda waxaan ku jiraa safar dheer oo diyaaradeed.”

“Marka ugu horreysa ee aan meel gaaro lana tashada rukniyadda xisbiga iyo taageerayaasheenna naftood-hurayaasha ah ayaan mowqifkeyga rasmiga idinla wadaagi doonaa IA,” ayuu yiri Cali Yare oo mar gobolka Banaadir ka soo noqday guddoomiye ku xigeen.

Ninkaan ayaa wax badan u dagaalamay qadiyadda Farmaajo, wuxuuna maalmihii lasoo dhaafay sii daayey xogo qarsoonaa oo ka dhan ah xubnihii kale ee la shaqeyn jiray taliskii Farmaajo.

Mar kasta wuxuu is xijiyaa Farmaajo, wuxuuna dadka u sheegay in xisbigii Farmaajo kala jabay oo kaligiis uu ku haray garab Farmaajo, balse Afhayeenkii Farmaajo, Cabdirashiid Duqa ayaa soo saaray warqad uu ku sheegayo in Cali Yare uu mar hore ka tegay xisbiga, in kastoo saacado gudahood uu Cali ku beeniyey arrinkaas.

Warqadda ka soo baxday kooxda Farmaajo waxaa lagu sheegay in Cali Yare uu mar hore iska casilay xubinimadii xisbiga, isla markaana afkaaraha uu soo qorayo aysan ka turjumeyn aragtida Nabad iyo Nolol, sida loo dhigay qoraalka.

xaquuqda weydhowrantahay: Boudless media 

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top