skip to Main Content

Cali Guudlaawe oo xilka ka qaaday Jeyte, guddoomiye cusub u magacaabay Hiiraan

by Abdinajib Abdullahi 

Beledweyne (Boundless media) –Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa xilka ka qaaday guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan, oo hormuud u ahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Wareegtada xilka looga qaaday Cali Jeyte, ayuu madaxweyne Guudlaawe wuxuu sidoo kale xilka guddoomiyaha gobolka ugu magacaabay Cabdullaahi Axmed Maalin (Surufow).

Guudlaawe ayaa sheegay inuu tallaabadan qaaday kadib talo soo-jeedin ka timidmadaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle iyo “markii uu garowsaday inay lagama maarmaan tahay dar-dargelinta howlaha kala duwan ee horyaalla” maamulka gobolka Hiiraan “iyo mideynta bulshada si loo hirgeliyo shuruucda dalka iyo dastuurka” dowladda HirShabeelle.

Tallaabada xilka looga qaaday Jeyte ayaa ah mid lama filaan ah maadaama uu kaalin xooggan oo muuqata ku lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, oo inta badan maleeshiyada looga saaray gobolka Hiiraan.

Cali Jeyte ayaa dhowaan sheegay in qorshaha cusub ee wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab uu ka gedisan yahay midkii wejiga koowaad la tijaabiyay ee kacdoonka shacabka, kaasi oo kooxda Al-Shabaab looga xoreeyay deegaano horleh.

Jeyte ayaa ka dhawaajiyay in qorshaha dagaalka uga harayo madaxda sare ee dalka, maadaama laga leexday nidaamkii uu hore ugu guuleystay wejiga koowaad ee dagaalka Al-Shabaab, ee ahaa kacdoon dadweyne.

“Waxay u baahan tahay aragti qaran aniga masii wadi karo (dagaalka), mar haddii xaduuda Hiiraan laga gudbo ka masuul ahaan ima quseyso. Aragtida aan qabo dagaalkan markii hore kuma bilaaban aragti qaran ee si lama filaan ah ayuu ku bilowday wuuna ku guuleystay,” ayuu yiri Jeyte.

Ma cadda haddii ay xiriiraan xil ka qaadista Jeyte iyo hadalladii uu dhowaan jeediyey.

Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare oo haatan ah ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan xasillinta iyo arrimaha rayidka deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab, ayaa mar sii horreysay sheegay in Al-Shabaab ay malaayiin dollar ku bixineyso sidii meesha looga saari lahaa guddoomiye Cali Jayte Cismaan, isla-markaana xilka looga qaadi lahaa, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa sidoo kale xusay in beddalka Cali Jayte ay tahay mid u hiilinaysa Al-Shabaab, isla-markaana ay hoos u dhigeyso howlgallada ka socda gobolka.

Sidoo kale wuxuu madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ugu baaqay inuu iska ilaaliyo dhagarta Al-Shabaab, isaga oo ka dalbaday in uusan beddalin Cali Jayte.

“Waxaan helnay xog lagu kalsoon yahay oo sheegeysa in Al-shabaab ay malaayiin lacag ah ku bixineyso sidii guddoomiye Cali Jayte loo bedeli lahaa,” ayuu yiri Waare.

“Beddalka guddoomiye Jayte ayaa ah mid gurmad iyo nasteexo siinaysa Shabaab. Madaxweyne Guudlaawe Xuseen iska daa Guddoomiye Jeyte!.”

xaquuqda weydhowrantahay: Boudless media 

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top