skip to Main Content

Dagaalka Ukraine oo boqolkiiba 29 hoos u dhigay dhaqaalaha dalkaasi

By abdinajib abdullahi

ukraine(Boundless media)

Sida lagu sheegay tirakoobka wadanka Ukraine waxaa boqolkiiba 29.1 hoos u dhacay wax soo saarka dalkaasi ka dib markii Ruushka uu ku qaaday duullaan militari.
Duullaanka ayaa sidoo kale lagu dilay kumanaan qof waxaana ku barakacay milyan kale.
Sidoo kale waxaa warbixinta sahanka ku cad in dagaalka uu dhulka la galay warshadaha culus,qeybta beeraha iyo waliba dhul ballaaran gaar ahaan dhanka Koonfureed iyo Bariga Ukraine.
Madaxda Ukraine ayaa sheegay in kalsooni aysan ku qabin sirdoonka wadanka Maraykanka taasoo ku kaliftay inay xog badan qarsadaan sida ay qoraalka ku sheegeen.
Dhanka kale, wadanka Ruushka ayaa cadeeyay inuu la socdo arrimaha dalka Ukraine oo ayna si khaas ah u eegaan siraha iyo dhaqdhaqaaq kasta oo ka soo kordho dhanka xukuumadda Kyiv.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top