skip to Main Content

Wasaaradda difaaca oo noqotay midda ugu waxqabadka fiican

By abdinajib abdullahi

Nairobi(Boundless media)

Wasaaradda gaashaandhigga ee dalka ayaa noqotay midda ugu waxqabadka wanaagsan sida lagu sheegay warbixinta qiimeynta waxqabadka ee wasaaradaha dowladda dhexe.
Wasiirka wasaaradda gashaandhigga ee dalka Aadan Barre Ducaale ayaa koobka wasaaradda lagu guddoonsiiyay xaflad shalay lagu qabtay xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu eegayay waxqabadka waaxyaha iyo shirkadaha dowladda , sidoo kale machadyada lagu barto farsamada ee sanad-maaliyadeedkii 2021-2022-kii.
Waxaa nambarka labaad ee dhanka waxqabadka soo gashay xarunta madaxtooyada ee State House halka nambarka saddexaad ay noqotay wasaaradda tamarta iyo shidaalka.
Khudbad uu madaxweyne William Ruto ka jeediyay xafladaasi ayuu ka codsaday shaqaalaha dowladda inay mudnaan weyn siiyaan u adeegidda bulshada maadaama mas’uuliyadooda ay tahay wax u qabashada danyarta.
Waxaa kale oo uu sheegay in dowladda ay ku dadaali doonto inay maamul u sameyso waxqabadka si ay shaqaalaha dowladda ay si wanaagsan ay ugu adeegaan dadweynaha.
Sidoo kale madaxweyne Ruto ayaa sheegay in dhaqanka caburinta waxqabadka uu yahay mid dib u dhac keenaya uuna ku dadaalo in uu dhiirigeliyo kuwa waxqabadka sare leh.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua oo sii xoojinayey hadalka madaxweynaha ayaa dhankiisa sheegay in u adeegidda bulshada oo la dhiirigeliyo ay wadanka u horseedaysa barwaaqo.
Madaxda kale ee ka soo qayb galay xafladda waxaa ka mid ahaa madaxa wasiirrada Musalia Mudavadi, xeer ilaaliyaha guud ee wadanka Justin Muturi iyo mas’uuliyiin kale.

xaquuqda weydhowrantahat:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top