skip to Main Content

Maxaa looga hadlay kulanka Isimida SSC iyo Axmed Madoobe? + Sawirro

by abdinajib abdullahi

Muqdisho (Boundless media)–

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay qaar ka mid ah Isimida dhaqanka SSC oo maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho ee caasimada.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka dhageystay Garaadada dhaqanka aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada ka tagaan gobolka Sool, isagoo kula dardaarmay in ay doorkooda ka qaateen nabadda, walaalnimada iyo xasilloonida bulshada deegaanka.

Garaadada Dhaqanka ayaa dhankooda madaxweynaha Jubbaland uga mahad-celiyey kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan ee u sameeyay.

Isimida SSC ayaa sidoo kale waxay u bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, dhibaatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka kuwaas oo ka dhashay dagaalka ka socda Gobolka.

Waxaa madaxweynaha Jubbaland kulanka ku wehliyay Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Wasiiro katirsan Xukuumada iyo Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka JFS.

Odayaashan ayaa horay ula kulmay madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, kuwaasi oo ay ka wada-hadleen arrinta Laascaanood iyo guud ahaan xaaladaha ku geedaamay gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

Arrintan ayaa uga sii xoojin karta eedeynta dowladda federaalka uga imaaneyso dhanka Somaliland oo marar badan dhaliilo xoogan usoo jeedisay xukuumadda Muqdisho.

Si kastaba, Arrimahan ayaa imanaya xilli ay weli taagan tahay xiisada dagaal ee xarunta gobolka Sool ee Laascaanood, halkaasi oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC, oo dhowr jeer ku dagaalamay halkaasi, kaasi oo uu ka dhashay khasaare kala duwan.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top