skip to Main Content

DF oo qaaday tallaabo deg-deg ah kadib dagaalkii Jowhar

Muqdisho (Boundless media) – Wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya oo war qoraal ah soo saartay ayaa ka hadashay dagaakii xooganaa ee gelinkii dambe ee shalay ciidamada Danab iyo kuwa HirShabelle ku dhex-maray gudaha magaalada Jowhar.

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in wasaaraddu ka xun tahay dhacdadii shalay ka dhacday nawaaxiga garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay xanuunka la qayb-saneyso HirShabelle, gaar ahaan mas’uuliyiintii iyo askartii ku dhaawacantayt dagaalkaasi

“Wasaaraddu waxa ay xanuunka la qaybsaneysaa mas’uuliyiinta iyo ciidamada ay halkaasi waxyeeladu kusoo gaartay” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda.

Intaasi kadib wasaaraddu waxa ay shaaca ka qaaday inay billowday baaritaan ku aadan falkaas, iayada oo sheegtay in maxkamad la geyn ciddii ku lug yeetalaa dhacdadaasi.

“Taliska Ciidanka Xoogga iyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida waxa ay bilaabeen baaritaanka falkaas, waxaana si deg-deg ah cadaaladda loo horkeeni doonaa ciddii ku lug yeelata dhacdadaasi” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka wasaaradda difaaca XFS.

Waxaa kale oo qoraalka lagu yiri “Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxa ay u taagan yihiin, una hurayaan naftooda difaaca dadka, dalka iyo diinta”.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii ciidamada Danab ay weerareen ciidamo galbinayay guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle, Cabdixakiin Xaaji Luqmaan oo doonayay inuu ka dhoofo garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere ee magaalada Jowhar, waxaana kadib meesha ka dhacay iska hor imaad toos ah oo gaystay khasaare.

Xaaladda ayaa saaka ah mid deggan, inkastoo weli raadka dagaalkii shalay si weyn looga dareemayo caasimada HirShabelle ee magaalada Jowhar.

Si kastaba, dagaalkaas ayaa daba socday mid kale oo Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay  magaalada, kaas oo hal askari looga dilay ciidamada Danab ee ka howlgala halkaasi.
xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top