skip to Main Content

Khasaaraha ciidamada Israel iyo tirada dhimashada ee dagaalka Gaza oo kordhay

Gaza (Boundless media ) – Taliska Militariga Israel ayaa xaqiijiyay in ay korortay tirada askarta looga dilay hawlgalka dhowrka cisho ka socda Marinka Gaza, islamarkaana ay gaartay 30 askari.

Taliska ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in tirada askarta looga dhaawacay dagaalka ay hadda sii caga-caganeyso 260 askari.

Garabka Militariga Xamaas ee Guutada Al-Qassam ayaa sheegay in tirada dhimashada iyo dhaawaca Ciidamada Israel ay aad uga badan tahay tirada uu shaaciyay taliskooda.

Ra’iisal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo garowsan khasaaraha ciidamadiisa kala kulmayaan dagaalka dhulka ee Gaza ayaa ku bogaadiyay in ay u dagaalamayaan difaaca dalkooda.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku hanjabay inaanay Israel joojin doonin duulaankeeda Gaza, illaa iyo inta laga soo sii deynayo maxaabiista Israeliyiinta ee lagu haysto Gaza.

Ra’iisal Wasaare Netanyahu oo Jimcihii Magaalada Tel Aviv ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa sheegay inaanay ka wada hadlin waxyaabo ku aaddan xabad joojinta.

Netanyahu ayaa ku goodiyay in sidoo kale aanay shidaalka u ogolaan doonin xarumaha caafimaadka ee Gaza, isagoona shuruud uga dhigay in oodda laga qaado la haysteyaasha reer Israel.

Tani waxay culeys kale ku noqonaysaa isbitaalada Gaza, oo qaarkood shaqadii u joojiyay shidaal la’aan soo food-saartay, waana xilli Israel ay horaan Gaza uga jartay adeegyadii biyaha iyo korontada.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top