skip to Main Content

DF oo shaacisay in ficil loo bedelayo heshiiska Somalia iyo Masar ee ka dhanka ah Itoobiya

Muqdisho (Boundless media) – Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Balcad ayaa shaaciyay in ficil loo bedeli doono heshiiskii ay wada gaareen Soomaaliya iyo Masar.

Balcad oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale sheegay in heshiiskii Addis Ababa oo ay Masar sida adag uga hortimid uu ka khatar badan yahay argagixisada Al-Shabaab, uuna yahay xad-gudub si bareer ah loogu soo qaaday qaranimada iyo madax-bannaanida ummadda Soomaalieed.

“Al-Shabaab waxa ay wax u dhimeen amniga iyo qaab nololeedkeena, laakiin waxaba uma dhimin qaranimadeena iyo midnimadeena, balsa heshiiskaan waxa uu waxa u dhimay qarannimada iyo wajirkeenna,” ayuu yiri Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Waxa uu intaas kusii daray “Dowladda Masar waxay si buuxda isku garab taagtay Soomaaliya, waxaa rajeynaynaa in heshiiskaas la gaaray ficil loo rogi doono, waana uga mahad-celinayna Walaalaheena Masar sida ay inoo soo dhaweeyeen ee noo marti-geliyeen.”

Dowladda Masar ayaa si weyn u garab istaagtay Soomaaliya kadib xad-gudubka Itoobiya, oo ah cadowga koowaad ee Masar. Madaxweyne Cabdulfataax Al-Siisi ayaa shalay luuqadii ugu adkeyd kula hadlay xukuumadda Abiy, isagoo digniin u muuqataya kama dambeysna u diray.

Al-Siisi ayaa waxa uu sheegay in aysan indhaha ka fiirsanayn xad-gudubkaas, isagoo Itoobiya ugu goodiyay in Soomaaliya ay la dagaal gali doonaan haddii aysan ka laaban heshiis beenaadkii Addis Ababa.

“Masar ma ogolaan doonta inay cidna handado Soomaaliya, ama ay waxyeeleyso amnigeeda. Awoodda Masar yaan la tijaabin oo la handadin walaalahood, gaar ahaan dalalka walaalaha ah ee naga codsada in aan garab istaagno,” ayuu yiri madaxweyne Al-Siisi oo uu barbar taagan yahay madaxweyne Xasan Sheekh.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa xilligaan si gaar ah usoo dhaweysaneysa Masar oo ayadu cadeysay inay si buuxda u garab taagan tahay Soomaaliya, waxaana cadowga koowaad u ah Itoobiya.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top