skip to Main Content

Dhaawac soo gaadhay Sargaal markii lagu judo jiray xiritaan.

Sarkaal reer Lewiston ah ayaa lug ka jabay intii lagu guda jiray xidhitaankii Sabtidii lagu
fulinayay ninka.

Wali lama shaacin magacyada dadkii ku lugta lahaa.
Askari boolis ah ayaa lug ka jabay subaxnimadii Sabtidii isagoo kusugnaa waddada Union
Street, sida uu sheegay Lt. David St. Pierre.

St. Pierre ayaa sheegay in subaxnimadii hore ee Sabtidii, saraakiishu ay aadeen guri ku yaal
Union Street ka dib markii ay heleen warar sheegaya in nin aad uu uqaylinayay.
Laba ka mid ah askarta ayaa isku dayay in ay ninka xabsiga dhigaan, ayuu yiri St. Pierre, intii
ay howsha ku guda jireen ayaa, mid ka mid ah askartii lug ka jabay.

“Sarkaalka ayaa la geeyay Xarunta Caafimaadka ee Maine Central waxaana la fasaxay
subaxdii dambe,” ayuu yiri St. Pierre. “Isaga oo hada ku soo laabanayaa gurigiisa.”
Ninka la xiray ayaa wajahaya dambiyo culus. sidokalena aqoonsigiisa aan wali lahelin.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top