skip to Main Content

Dhamaan shaqaalaha daryeelka caafimaadka ayaa cadaadis lagu saaray inay iska talaalaan cudurka faafay ee Covid-19.

Wakhtigan hada lagu jiro waxaan diirada saaraynaa sidii aan saaxiibadeena aan la talaalin aan
ugula talin lahayn sidii ay iskaga talaali lahaayeen cudurka aafada ah ee Covid-19 hakor
wakhtiga kama dambaysta ah ee bisha oktoobar, ayuu yiri Knapp isagoo ku sheegay bayaan
e-mail ah kaasoo udiray xayaysiiyaha dimuqraadiga ah halkaasoo uu ku yidhi in qaybta
caafimaadka ee Maine ay horay ugu dhawaaqeen siyaasadeeda talaalka qasabka ah kahor
intaa aan lagula dardaarmin inay is talaalaan “ inkastoon aqoonsanahay in tani ay tahay go’aan
adag balse qaar kamida xubnaha daryeelka ayaan wali qaadan talaalka iyadoon filayno in ay
ugu dambaynta qaadan doonaan. halka qaarkood ay ahaayeen kuwo markiiba qaatay.

Dhanka kale waajibaadkii ooka hor imanaya dacwada maxkamada aya waxa soo gudbiyay
sagaal dacwad ooge oon magacaantooda la shaacinin, qaar kamid ah kooxaha daryeelka
caafimaadka ayaa dalbanaya in1 oktoobar muddo kordhin loosameeyo.

Mid kamida maamulayaasha waaxda bixiya caafimaadka oo codsaday in aan magaciisa la
shaacinin ayaa sheegay in boqolkiiba 85% la talaalay Shaqaalaha kahor intaan lagu dhawaaqin
waajibaadka lasoo saaray.

Waa xaalad adag. hadii aad marto talaalka sidoo kalena tahay muhiim in laqaato
afdabool,xayaysiiyaha Dimuqraadiga ayaa siqarsoodiya uwaraystay laba shaqaale ooku sugan
badhtamaha Norway todobaadkii hore kuwaasoo kamid ah daryeelka cafimaadka isagoo ku
suaalay in ay qaateen talaalka halka mid kamida uu ku jawaabay inuu qaatay balse kii kale
uuka diiday wax jawaabana uuka waayay, midkoodna muusan dareemin in ay xaruntooda
khatar ku tahay.

“Talaalada waxaa la xaqiijiyay inay nabdoon yihiin waxa aan haynaa sanad buuxa oo xog ah
waxaana laga helay tijaabooyinka caafimaad oo ku dhawaad 200 milyan oo Maraykan ah
lasiiyay talaalka COVID-19 ayuu qoray Knapp.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top