skip to Main Content

Lewiston ayaa ku dhawaaqday inay warqadaha magacabista ay soo baxayso bishay 9/03 ee Jimcada ah.

Waraaqaha magacaabista Lewiston ayaa lafilayaa inay soo baxaan Jimcaha bishuna tahay 3
Sebtembar.

Musharixiinta suurtagalka ah ee xafiisyada magaalada ee doorashada bisha November ayaa
waxay haystaan hal maalin oo kale si’ay u helaan warqada codbixinta.

Lagasoo bilaabo duhurnimadii arbacada ahayd, Carl Sheline, kaliya halkan musharax ayaa
uqalma inuu kasoo muuqdo November 2. Musharixiin dhawra ayaa qaatay waraaqaha
kuwaasoo ka tanaasulay amaba aansoo gudbin sixiixyadii loo baahnaa.

Xildhibaan Lee Clement ayaa suurtagalnimada kula tartamaya inuu noqdo duqa magaalada,
halka uu taa badalkeeda ku fikiray inuu u tartamo Ward 6.

Clement waxa uu sheegay inuu u qaatay go’aanka si taxadarleh ka fiirsasho leh sidokalena
wada hadal dhexmaray dad badan oo ku nool magaalada.

Sheline oo ah mulkiilaha Munka Coworkin ee Lisbon street isagoo ku cusub siyaasada balse
aad looga yaqaan dhanka ganacsiga iyo bulsha weynta. Waxa uusoo rogay olole hor leh isagoo
halku dhig uga dhigay Lewiston Forward.

Gillespie oo ku guul daraysatay inay u tartanto kursiga golaha ee Ward 2 sanadihii 2017 iyo
2019 ayaa sheegtay inay wali ku rajo wayntahay inay u tartanto markale.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top