skip to Main Content

Dhimashada Qaraxii gaska ee Embakasi oo sare u kacday

By Ayanle Dhiire 

Waxaa sare u sii kacday tirada dhimashada ee ka dhalatay qaraxii gaaska cuntada lagu karsado ee habeenimadii ay Jimcada soo galeysay laga soo tabiyay aagga Mradi ee deegaan baarlamaneedka Bariga Embakasi ee ismaamulka Nairobi.

Afhayeenka dowladda dhexe , Issac Mwaura ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dhimashada guud ay tahay 6 ruux.

Tani ayaa timid ka dib markii saddex qof ay u geeriyoodeen dhaawacyo looga daaweynayay isbitaalka qaran ee Kenyatta.

Mwaura ayaa tacsi u diray qoysaska , ehellada iyo asxaabta 6-da ruux ee geeriyooday.

Waxaa uu dhanka kale caafimaad degdeg ah u rajeeyay dadka dhacdadaasi ku dhaawacmay ee weli xaaladooda lala tacaalaya.

Afhayeenka dowladda dhexe ayaa intaasi ku daray in 761 qof caawimaad isugu jirto cunno iyo waxyaabaha kale ee aasaaska u ah nolosha qoysaska loogu fidiyay goobta Embakasi Social Hall.

Waxaa uu xusay in hadda ay goobtaasi hooy u tahay 28 qoysas ah oo ku barakacay dabkii ka dhashay qaraxii gaaska .

Waxaa uu xusay in Hay’adda Laanqayrta Cas ee Kenya qoysaska ay dhibaatadaasi saameysay muddo labo bilood ah ka caawin doonto dhanka ijaarka guryaha iyadoo bil waliba la siinaya 6,000 oo shilin.

Issac Mwaura ayaa maamulayaasha guryaha ka codsaday inay dadkan ku qaabilaan si ay baniaadannimo ku dheehan tahay iyagoo aan shuruudo dheeraad ah ku xirin.

Sidoo kale cid kasta oo musiibadaasi ay uga lumen dokumeentiyo iyo shahaadooyin ayaa lagu wargeliyay inay iska diiwaangeliyaan Embakasi Social Hall si dowladdu ay u dardargeliso in dadkan ay helaan dokumeentiyada muhiimka ah iyadoo la kaashanaya laanta qaran ee diiwaangelinta ee NRB iyo golaha imtixaannada qaran ee KNEC.

Issac Mwaura ayaa kenyaanka u xaqiijiyay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay in taageero buuxda ay helaan qoysaska ay waxyeelladu ka soo gaartay qaraxii ka dhashay gaaska cuntada lagu karsado ee Embakasi.

 

Habbenimadii jimcaha Ayey Ahyd markii uu Qarxay gaari siday Gaaska cuntada lagu karsado kaas oo geystay khasaaro nafeed iyo maall Dhawacyo badan Aya jiray waxa sido kale jiray barakac badan madaxda Dawlada kenya Aya arrintasii ka hadlay iyago sheegay in bulshada dhibto gaartay Garab dhan walba ah la siin doono

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top