skip to Main Content

Maxkamada sare ee kenya oo Amartay in la shaqaleysiiyo sarakiisha sare ee Guddiga doorashoyinka Dalka

By Ayanle Dhiire 

Maxkamadda sare ee dalka ayaa amar ku bixisay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo howlgeliyo saraakiisha sare ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC.

Waxaa go’aankan soo saartay garsoore Mugure Thande.

Waxay sheegtay in heshiiskii siyaasadeed ee ay gaareen isbeheysiyada Kenya Kwanza iyo Azimio uunan ka sarreyn dastuurka dalka.

Garsoore Thande ayaa guddiga loo soo xulay inuu shaqaaleysiiyo saraakiisha cusub ee beddelaya Wafula Chebukati iyo mas’uuliyiintii kale ee uu muddo xileedkoodu dhammaaday ku amartay inay si degdeg ah u shaqaaleysiiyaan mas’uuliyiin hor leh oo hoggaaminaya guddiga doorashooyinka ee dalka.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top