skip to Main Content

Dibad baxayaal lagu dilay ismamulka migori

By Ayanle Dhiire (Boundless Media)

Waxaa lagu soo warramayaa in ugu yaraan 5 qof oo dibadbaxayaal ka mid ahaa lagu toogtay degmada Isebania oo ka tirsan deegaan baarlamaneedka Galbeedka Kuria ee ismaamulka Migori.
Tani ayaa timid ka dib markii dibadbaxayaasha ay weerar ku qaadeen saldhigga booliiska ee degmadaasi.
Dadka ayaa ka cabanayay falal amni darro oo halkaasi ku soo noqnoqday.
Taliyaha booliiska ee Galbeedka Kuria ,Cleti Kimayio ayaa sheegay in saraakiisha amniga ay xakameyn waayeen dibadbaxayaasha oo aad u tiro badnaa taasoo keentay in la adeegsado rasaas nool oo ay ku dhinteen ugu yaraan 5 qof.
Waxaa uu intaasi ku daray in meydadka shakhsiyaadkan la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka St. Akidiva Mindira Mabera.
Sidoo kale waxaa dhaawac soo gaaray laga daaweynaya mid ka mid ah saraakiisha booliiska.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top