skip to Main Content

Madaxweynaha Dalka kenya oo ka Hadlay musuqmaasuq ka dhaxjira KRA

By Ayanle Dhiire (Boundless Media)

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta tagay xarunta dhexe ee maamulka canshuuraha wadanka ee KRA.
Waxaa uu howlwadeennada KRA u sheegay in uunan marnaba aqbali karin in kenyaanka aan sida habboon loogu adeegin lacagaha canshuurta ah ee ay bixiyaan.
Ruto ayaa si cad u sheegay in qaadashada laaluushka oo xad dhaaf ah ay saameyn ku yeelatay howlaha maamulkan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay jiraan shakhsiyaad ka mid ah shaqaalaha KRA oo aan dowladda u adeegin balse xoogga saara inay si iskood ah uga macaashaan waajibaadka ay dalka u hayaan.
Madaxweynaha oo arrintan sii faahfaahinaya ayaa sheegay in qaar ka mid ah howlwadeennada KRA ay qaar ka mid ah dadweynaha garab ku siiyaan in aynan bixin canshuurta laga doonaya.
Hoggaamiyaha dalka ayaa ku celceliyay in maamulka KRA uunan weli gaarin heerkii laga rabay ee uruurinta canshuuraha marka loo barbardhigo maamullada la midka ah ee waddamada sida Koonfur Afrika.
William Ruto ayaa sheegay in boqolkiiba 15 ee dhaqaalaha wadanka uu ku saleysan yahay dakhliga ka soo xaroodo canshuurta.
Heerka canshuur uruurinta ee Koonfur Afrika ayuu William Ruto ku sheegay boqolkiiba 22 ilaa boqolkiiba 28.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in maamulka KRA laga doonaya inuu jawaab u helo sababta keentay hoos u dhaca.
Madaxweynaha ayaa xusay in maamulka canshuuraha ee dalka looga baahan yahay inuu u shaqeeyo qaab daahfuran oo cadaalad ah si kalsooni loogu beero kenyaanka lacagaha laga qaado.
Waxaa uu hoggaamiyaha dalka intaasi ku daray in canshuurta laga qaado shacabka lagu dhiso waddooyin, dugsiyo, isbitaallo , maxkamadaha sidoo kalena lacagahan loogu deeqo dadka dhibaatooyinka u nugul ee ka mid ah bulshada.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu xilliga habboon bixiyo canshuurta oo uu dhammaan shacabka ugu baaqaya inay dhaqankan uga daydaan.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top