skip to Main Content

Maxkamada sare waxay tageersantahay xukunkii lagu oogay ninkii reer Portland dilay wiil Somaliya

Mark Cardili hada 26 jir ah, ayaa qirtay inuu dilay Isahaq Muse oo 22 jir ahaa halkaasna lagu dilay guriga walidiinta wiilka saxiibadiibiyo dilaaga.

Isahaq habeenkaa wuxuu boooqanayay saxiibtiis, khilaafkuna wuxuu ka bilowday is-afgaranwaaga markii saxiibtiis ay ku dhahday habeenka halkan iska seexo halkaasna afka hadal iyo gacan ay ka dhacday intuuna Mark toogan Isahaq.

Isahak Muse

Mark mar hore waxaa lagu oogay dil, lakiin garsooraha maxkamada sare Nancy Mills ayaa ku oogtay dambi kaas ka yar markii maxkamada lasoo taagay, halkaasna uu ku xirnaandoono xabsiga mudo 7 sano iyo bad ah.

Intii ay booliisku baadhayeen dhacdada, hoggaamiyayaasha muslimiinta maxaliga ah waxay ka dhawaajiyeen inay ka walaacsanyihiin inuu u dilay wiilka somaliga nacayb uu uqabo muslimninta, Somali iyo dawaga. Garsoore Mills ayaa damaanadiisa ka dhigtay $50,000 una ogalaatay inuu xaafada ku sugo maxkamadiisa.

Banaanbaxayaal ayaa sheegay inaana lasiin laheey hadii uu ahaan lahaa nin madow ah. Dilaaga walaashiis ayaa sheegtay inuu hadalo cunsurinimo ah ka sheegay Muslimiinta iyo dadka madow.

Mark hada wuxuu ku xidhanyahay xabsiga Maine Correctional Center ee magaalada Windham, halkaasna uu ku qaadanayo afar sano xabsiga. Dambiga lagu oogay waxaa lagu tagaa 30 sano ugu badnaan halka lagu xukumay 7 sano iyo badh halka uu ka soo bixi karo 4 sano dabacdii hadii ay dabeecadiisu fiicantahay.

Back To Top