skip to Main Content

Erdogan iyo Netanyahu oo markii ugu horreysay kulmay + Qoddobada miiska saaran

New York (Boundless media) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan iyo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa markii ugu horreysay u kulmay si fool-ka-fool ah Talaadadii, xilli labada dal ay billaabeen inay hormariyaan xiriirkooda.

Hogaamiyayaasha, oo wada-hadallo yeeshay intii lagu guda jiray shirka sanadlaha ah ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa isku raacay in midba midka kale uu dhawaan booqdo dalka kale, sidaas waxaa lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska Netanyahu.

Taleefishinka Channel 12 ee Israel ayaa sheegay in Erdogan laga yaabo inuu doonayo inuu sanad-guurada 100-aad ee Jamhuuriyadda Turkey ee bisha dambe ku xuso inuu booqdo Masjidka Al-Aqsa. Weli ma jirto xaqiijin rasmi ah oo ku saabsan warbixintan.

Xiriirka labadan dal ee horey xulufada u ahaa ayaa burburay kadib markii ciidamada Israel ay 10 qof oo Turkish ah ku dileen weerar ay ku qaadeen markab gargaar siday oo jebiyey xayiraad lagu soo rogay Gaza.

Ankara ayaa cayrisay safiirka Israel, tallaabaadaas oo ay ka laabatay 2016, hase yeeshee waxay mar kale sidaas sameysay laba sano kadib, sababo la xiriira dilka tobanaan Falastiiniyiin ah oo ka qeyb-galay dibad-bax ka dhacay xuduudda Gaza.

Israel, oo cabasho ka muujisay marti-gelinta Ankara ee hoggaamiyeyaasha Xamas, ayaa ku jawaabtay inay cayrisay safiirka Turkey, 2018.

Booqasho uu bishii March madaxweynaha Israel Isaac Herzog ku tegay Turkey, oo ay ku xigtay booqashooyinka labada wasiir arrimo dibadeed, ayaa caawiyey in xiriirka uu soo hagaago.

Erdogan iyo Netanyahu ayaa ka wada hadlay siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha gobolka iyo sidoo kale arrinta Israel iyo Falastiin, sida ay madaxtooyada Turkiga ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay barta X.

Erdogan ayaa u sheegay Netanyahu in labada dal ay iska kaashan karaan dhanka tamarta, teknoolajiyadda, hal-abuurka, caqliga macmalka ah, iyo sidoo kale amniga internet-ka, ayey tiri madaxtooyada.

Turkey ayaa sanadkii 2020 billowday dadaal xoog leh, oo ay ku hagaajineyso xiriirka dalal badan oo ay horey u xifaaltami jireen, sida Masar, Imaaraatka Carabta, Sacuudi Carabiya iyo sidoo kale Israel.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top