skip to Main Content

Saraakiil ka tirsan ciidamada difaaca oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Lamu

by Abdinajib Abdullahi

kenya(Boundless media) Waxaa ismaamulka Lamu ee gobolka Xeebta ku burburtay diyaarad ka mid ah kuwa qummaatiga u kaca ee helikobtarka.
Diyaaraddan oo ay leeyihiin ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta ayaa shilka xalay gashay xilli ay roondo sameynaysay.
KDF ayaa bayaan ay maanta soo saartay ku sheegtay in diyaaradda ciidamada hawada ee dalka ay sidday shaqaale iyo saraakiil shilkaasi ku nafwaayay.
Waaxda ayaa tacsi u dirtay qoysaska ay ka baxeen ciidamada iyo shaqaalaha diyaaradda ee shilka ku dhintay.
Waxaa dhanka kale la guda galay baaritaan lagu xaqiijinaya sababta keentay burburka diyaaradeed.
Ciidamada difaaca dalka ee KDF ayaan shaacin tirada saraakiisha iyo shaqaalaha diyaaradda ee shilka ku dhintay .

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top