skip to Main Content

Faah-faahin ku saabsan QARAX ka dhacay Zoobe

by abdinajib abdullahi

Muqdisho (Boundless media) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu soo xiray gaari marayay halkaasi, wuxuuna ku qarxay Zoobe, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo uu watay sarkaal ka tirsan Booliska oo lagu magacaabo Nasiib Daahir Cabdi, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo muddo kooban xiray dhaq-dhaqaaqa guud ee waddadaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in sarkaalkan uu dhaawac soo gaaray, isla-markaana loola cararay isbitaalka, sidoo kalena uu burburay baabuurka la qarxiyay.

Weerarkan qaraxa loo adeegsaday ayaa kusoo aadayo, ayada oo saaka ay xirneyd waddada Maka Al-Mukaramo oo la soo dhoobay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, waxaana loo xiray ra’iisul wasaare Xamza Cabdi oo xaflad uga qayb-galaya isbitaalka weyn ee Madiino.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan qaraxaasi geystay khasaaraha dhaawaca iyo buburka.

Qaraxaan ayaa qayb ka noqonayo qaraxyo kale oo horay uga dhacay Zoobe, kuwaas oo illaa iyo hadda sameyntooda laga dareemo waddadaas, maadaama ay dad badan ku dhinteen, kuwa kalen ay ku dhaawacmeen, dhismayaal badana ay ku burbureen hakaasi.
Weerarkan cusub ayaa sidoo kale qayb ka noqonayo falalka ammaan dari ee haatan ka dhacaya gudaha caasimada, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay aad u kordhay, waxaana ay aheyd Jimcihii markii weerar toos ah ay Al-Shabaab ku qaadeen agagaarka xeebta Liido.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top