skip to Main Content

Faah-faahinta qarax xooggan oo ka dhacay MUQDISHO

By abdinajib abdullahi

 muqdisho (Boundless mddia) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax culus oo saaka ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qaraxa oo la sheegay inuu ahaa nooca Miinada ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, wuxuu geystay khasaare kala duwan.

Sida ay ogaatay Boundless media, qaraxaan ayaa waxaa lala beegsaday gaari ay la socdeen askar ka tirsan ciidanka dowladda, xilli ay marayeen xaafada Buulo-Xuubeey ee degmada Wadajir.

Inta la xaqiijiyay illaa hadda waxaa waxyeelo kasoo gaartay qaraxaasi, oo ku dhaawacmay hal askari, sidoo kalena waxa uu burbur xoogan uu soo gaaray gaariga ay ciidanka la socdeen ee qarxa lala eegtay.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amaanka iyo maamulka degmada, oo ku aadan qaraxa maanta ka dhacay xaafada Buulo-Xuubeey ee lala beegsaday askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho oo dhowrkii billood ee lasoo dhaafay ka reysatay qaraxyada iyo falalka amniga ka dhan ah, ayaa maalmihii dambe waxaa kusoo badanayay falalka amni darro ee ay kooxaha argagixisada ka fulinayaan gudaha caasimada.
Si kastaba, Saraakiisha ciidanka iyo laamaha kala duwan ee dowladda ayaa wada dadaallo lagu xaqiijinayo amniga caasimada, xilli dhawaan uu dalka ka bilaabanayo wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top