skip to Main Content

Wiil yar oo ku geeriyooday barkad uu ku dhacay magaalada hargeysa

By isxaaq Rashid Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa Gurmad Badbaado ah lagu soo wargeliyay gaar ahaan Degmada Garabis oo koonfur galbeed Qiyaas 30KM ah ugu baxay Gurmadkaas oo ahaa sida dadweynuhu ku soo wargeliyeen Wiil yar oo ku dhacay Barkad, da’adiisuna Qiyaas ahaan ahayd ilaa 17 Jir, kaasoo ku jiray muddo Barkadaas isagoo Mayd ah.

Naftood Hurayaasha Ciidanka Dab-demiska ayaa isla markiiba goobtaasi gaaray kana soo saaray Barkada ilmahaas yar, hasayeeshee Ilmahaas yari wuxuu ku dhintay Barkadaasi waxaana intaa ka dib la wareegay hawshaas Ciidamada dambibaarista Ciidanka Booliska.

Ciidanka Dabdemisku waxay tacsi u dirayaan Qoyskii iyo eheladii uu ka baxay marxuumkaasi. Ilaahay Naxariistii Janno haka waraabiyo jannooyinkiisana hawgu deeqo.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top