skip to Main Content

Shiinaha oo war kasoo saaray dagaalka Laascaanood xilli ay is-hayaan Somaliland

by abdinajib abdullahi

New York (Boundless media) – Warbixintii Dowladda Shiinaha ay ka jeedisay shirkii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayey kaga hadashay arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka Laascaanood iyo khilaafka Somaliland iyo SSC.

Safiirka Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobay Zhan Jun oo si faahfaasan uga hadlay arrimaha Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday dagaalka Laascaanood.

“Dagaalka Laasacaanood ee u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo maleeshiyada deegaanka, waxaan ugu baaqeynaa dhammaan qeybaha dagaalka ku lugta leh inay degdeg xabadda u joojiyaan, ciidamadooda kala baxaan, wadahadalna ay galaan” ayuu yiri Zhan Jun.
Safiirka Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay mowqifkooda iyo sida ay u arkaan Soomaaliya, isagoo sheegay inay ka soo horjeedaan wax kasta oo kala qeybinaya Soomaaliya, waxna u dhimaya madaxbannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda.

Shiinaha iyo Somaliland waxaa ka dhexeysa xurguf weyn oo salka ku heysa qadiyadda Taiwan, maadaama Somaliland iyo Taiwan ay is aqoonsadeen, halka Shiinuhu uu colaadiyo ciddii albaabka u furta is-maamulkaas.

Somaliland ayaa heshiis la gashay Taiwan, tallaabadaasna waxaa ka carooday Shiinaha, iyadoo xiligaas dowladda federaalka Soomaaliya ay Taiwan ka dalbatay in ay ka digtoonaato ku xad-gudubka qarannimada Soomaaliya.

Horay ayey saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya u cambaareeyeen dagaalka Laascaanood. Bayaan ay soo saareen ayey ku sheegeen in ay ‘aad uga welwelsan yihiin’ saameynta dadka rayidka ah kasoo gaareysa isku dhacyada Laascaanood.

Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa ka mideysan qadiyadaha Somaliland iyo Taiwan, labada dowladoodba waxay ku adkeysanayaan in dhulkooda ay ka tirsan yihiin is-maamulladaas, halka ayaguna ay ku doodayaan inay yihiin dowlado madax-banaan, inkastoo dunida ay wax aqoonsi ah ka waayeen.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top