skip to Main Content

Golaha wasiirada oo ansixiyey heshiis ay galeen Soomaaliya iyo Sacuudiga

Muqdisho (Boundless media) – Xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya oo maanta shirkooda todobaalaha ku yeeshay Muqdisho ayaa ansixiyay heshiis u dhexeeya dowladaha Somalia iyo Sacuudiga, ayada oo isla shirka lagu meelmariyay 4 hindise sharciyeed oo kale.

Hesiiska la ansixiyay ayaa ku saabsan dhinaca iskaashiga amniga ee Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya, sida uu shaaciyay afhayeenka xukuumadda Soomaaliya.

“Golaha wuxuu ansixiyay heshiis dhex-maray dowladda Soomaaliya iyo dowladda boqortooyada Sacuudi Caribiya, kaas oo ku saabsan dhinaca amniga oo labada waddan ay iska kaashan doonaan” ayuu yiri Farxaan Jimcaale oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho.

Sidoo kale golaha wasiirada ayaa meelmariyay 4 hindise sharciyeed oo la horgeeyay iyo warbixinta sanad maaliyadeedka 2022, taas oo ahmiyad u leh nidaamka dhaqaale ee dalka.

Afarta hindise sharciyeed ee la ansixiyay ayaa laba kamid waxaa soo diyaariyay wasaaradaha arrimaha gudaha iyo diinta iyo awqaafta, waxayna kala yihiin:-

Hindise sharciyeeda diiwaanka Zakada oo ay soo gudbisay wasaaradda diinta iyo awqaafta, hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda adeegga saadaasha hawada iyo cimilada, hindise sharciyeedka dib u eegista sharciga la dagaallanka burcadbadeeda iyo ka hortegga afduubka ee sharci lambar 36, 30-kii April 1975-tii, hindise sharciyeedka ilaalinta iyo taakuleynta barakacayaasha oo ay soo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Dhanka kale golaha wasiirada ayaa dhageystay warbixin ku aadan amiga iyo guulaha laga gaaray dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab ee haatan ka socda gobollada dalka.

Soomaaliya ayaa waxaa hadda ka socda guluf dagaal oo ay hormuud u tahay dowladda federaalka Soomaaliya, isla-markaana ay ka qayb qaadanayaan dadka deegaanka.

xaquuqda weydhowrantahay: Boudless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top