skip to Main Content

QM oo dalbatay in Puntland lagu soo celiyo Golaha Wadatashiga Qaranka

Muqdisho (Boundless media) – Wakiika gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Catriona Laing oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa ka hadashay arrimo ku aadan khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo Puntland.

Catriona Laing ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay Puntland ku soo celiso saaxadaha siyaasadda, gaar ahaan shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka, maadaama ay ka maqneyd kulamadii ugu dambeeyay ee dhexay dowladda dhexe iyo maamullada dalka.

Haweeneydan ayaa xustay in loo baahan yahay in si wadajir ah heshiis looga gaaro arrimaha masiiriga ah oo ay ugu horreeyaan doorashooyinka ka dhacaya dalka.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay haddii aan xal loo helin maqnaashiyaha Puntland ay sii adkeyn doonto in la dhammeystito hannaanka doorashooyinka.

“Waxaan ku jirnaa xilli xasaasi ah oo aan u baahannahay inaan si wadajir ah ugu heshiinno, iyadoo ay dowladdu hoggaaminayso habka loo marayo doorashooyinka, nooca doorasho ay Soomaaliya qaadan doonto, muddeynta, iyo qaabka doorashada. Dabcan, aad bay muhiim u tahay, in la isku dayo in Puntland dib loogu soo celiyo hannaankan, sababtoo ah aad bay u adkaan doontaa in la dhammaystiro hannaanka doorashada,” ayay tiri Ms. Laing.

Ergeyga QM ee Soomaaliya oo hadalkeeda sii wadata ayaa ka hadashay arrimaha geeddi socodka dastuurka, ayada oo carabka ku adkeysay in loobaahan yahay dhammeystirkiisa.

“Dastuur la’aan, waddanku aad ayay u adkaan doontaa in uu horay u socdo. Soomaaliya waxay runtii u baahan tahay in dastuurkaas la dhameystiro; sida aad ogtihiin, weli dalku wuxuu ku shaqaynayaa dastuur qabyo ah,” ayay tiri Ergeyga Qaramada Midoobay.

Hadalkan wuxuu kusoo aadayaa, ayada oo uu shalay Deni weerar afka ah ku qaaday dowladda dhexe iyo xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka, isaga oo sheegay in aysan  kalgood go’aan ka gaarin masiirka dalka, maadaama la qaatay nidaam federaal ah.

“Madashu maaha Hay’ad ama golle Dastuuri ah oo lagu gooyo go’aamada masiiriga ah ee dalka, dalku waa Federaal, wuxuu ka kooban yahay dawlad dhexe o aan sharuucdeeda lagu heshiin iyo dawlad gobaleed mid kastaaba deegaankaada haysato, oo iyadu ka talisa” ayuu shalay yiri madaxweyne Deni oo khudbad u jeediyay baarlamaanka maamulka Puntland.

Si kastaba, waxaa weli  weli halkiisii ah khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo Puntland, kaas oo saameyn ku yeeshay wada shaqeynta labada dhinac.

xaquuqda weydhowrantahay: Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top