Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa xalay noqotay xarunta rasmiga ah ee maamul cusub oo…

Golaha wasiirada Somaliya oo canbaareyay qaraxii jalle siyaad
By isxaaq Rashiid Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka, Xasan Macallim Maxamuud ayaa looga hadley xaaladda amniga dalka, Isla markaana lagu ansixiyey hindise sharciyeedyo muhiim u ah dalka.
Golaha Wasiirada ayaa dhegeytey warbixino ku saabsan guulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka soo hoyeen dagaalka lagula jiro Ururka AS iyo howlgallada ka socda Gobolada dalka.
Golaha ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarkii fuleynimada AS ay ku beegsadeen Kuliyadda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ee Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho, kaas oo askar badan ay ku dhinteen, iyada oo Goluhu tacsi u diray umadda Soomaaliyeed, qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen Ciidanka xoogga Dalka ee ku dhintay weerarkaasi, iyagoo isla markaana Allah uga baryey inta dhaawacantey inuu Ilaahay deg-deg u caafiyo.
Golaha ayaa sidoo kale
meel-mariyey Hindise Sharciyeedyada kala ah;
- Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed.
- Hindise Sharciyeedka Hay’adda Adeegga Baaritaanka iyo Sharciyeeynta Beeraha Soomaaliyeed.
- Hindise Sharciyeedka Xakameynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed.
- Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Dhir-beereedka.
- Hindise Sharciyeedka Badbaadada Dhir-beereedka iyo Takoorka
Iyo Xeer Nidaamiyaha Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman.
This Post Has 0 Comments