skip to Main Content

Xubno ka tirsan As oo lagu dilay holwgallo aay sameeyen ciidanka Dowladda Somaliya

By isxaaq Rashiid In ka badan 60 ka tirsan dagaalamayaasha  AS ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen ciidamada Militariga  dowladda Federaalka  iyo kuwa maamulkaKoofur galbeed oo ka dhacay deegaanka Ceel-dhuun Agoow ee gobolka Baay.

Wasaaradda Warfaafinta Maamulka  Koonfur Galbeed Soomaaliya howlgalka ayaa waxay sheegtay inay howlgalkan iska kaashanayaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah howlgallada qorsheysan ee dhawaan ka billowday deegaannada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, kuwaasi oo lagu doonayo in lagu cirib tiro AS, isla markaana lagu soo celiyo nabadda iyo ammaanka deegaanada maamulkaasi.

Dhinaca kale’ Taliska Qaybta 60aad  Ciidanka Xooga dalka ayaa sheegay in duqayn lala beegsaday Xubno ka tirsan AS oo ku sugnaa inta u dhexeeya Waajid iyo Goofguduud.

Taliyaha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga dalkaa Jeneraal Xasan Isaaq Cumar ayaa Xaqiijiyay in Duqaymo lala eegtay Xubno ka Tirsan AS ee kuwaas uu ku sugnaa degaanadaas .

Taliyaha Qaybta 60aad ayaaa sheegaya in Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa koofur galbeed ay bilaabeen hawlgallo ka dhan ah AS islamarkaana uu sii socon doonno.

Sidoo kale Taliya Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Xasan Isaaq Cumae ayaa sheegay in AS Miinooyin ay ku aaseen wada u dhexeysa Waajid iyo Goof Gaduud  islamarkaana ay Go’doomiyeen Dadka shacabka eek u nool deganaadaasi

Dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaysa saaxiibadeeda caalamiga ah, waxay sheegtay inay ka go’an tahay inay ka adkaato AS

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top