skip to Main Content

Gudii xildhibano Degganka somalida Ah oo kormeray mashariic kasocdo Gobolka Afdheer!

By Ayanle Dhiire (Boundless Media)

Qaybo kamida guddiyada joogtada ah Golaha Xildhibaanada DDS oo wali ku sii guda jira kormeerkoodii hawleed ayaa gaadhay degmooyinka Godgod iyo Qooxle ee gobolka Afdheer.

Xubnaha gudiyada joogtada ah ee Golaha Xildhibaanada ayaa soo kormeeray mashaariicaha waawayn ee ay xukuumadda DDS ka hirgalisay degmooyinka Qooxle iyo Godgod, sida mashruuca biyogalinta degmada Godgod iyo wadada isku xidha degmada Qooxle iyo tuulada Dharaaye, sidoo kale xubnaha ayaa kormeerkan ku soo maray adeegbixinta xafiisyada horumarineed, xarumaha caafimaadka iyo habka baris-barasho ee dugsiyada waxbarasho degmooyinkaasi.

Ugu dambaynti guddiyada joogtada Golaha Xildhibaanada ayaa kulamo xog iswaydaarsiya la yeeshay maamulada degmooyinka Godgod iyo Qooxle si ay isula saxaan caqabadaha ka jira si looga gudbo wax kasta oo ka hor imaan kara horumarka arrimaha bulshada!

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top