skip to Main Content

Hadal uu horay u yiri R/W Xamza oo rumoobay, kadib falkii lagu gubay LUUL

Muqdisho (Boundless media) – Laamaha ammaanka ee magaalada Muqdisho ayaa weli baadi-goobayo nin xaaskiisa todobaadkii hore ku gubay gurigooda oo ku yaalla degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, kaas oo baxsaday kadib dhacdadaasi argagaxa leh.

Marxuumadda oo lagu magacaabi jiray Luul Cabdicasiis ayaa Jimcihii ku geeriyootay Isbitaalka Digfeer, ayada oo lahayd uur lix bilood ah, sida ay sheegeen ehelkoodu.

Haddaba falkan foosha xun ee haddana ninkii gaystay uu fakaday ayaa rumeeyay hadal uu horay u yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliiya, Hamze Cabdi Barre oo horay u sheegay in Muqdisho amni ka jirin, illaa inta ay baxsanayaan dadka dilalka ka gaysta caasimada.

“Illaa aan ka hilmaameyno hebelbaa dhintay kii dilayna waa baxsaday illaa qisadaas ay kasoo dhammaaneyso amnigeenna gacanteena kuma jiro” ayuu yiri Xamza.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintaasi ay tahay mid xanuun badan, maadaama dambiilihii aan la heyn, qofkiina sidaas lagu dilay, isaga oo markaas faray laamaha amniga inay la yimaadaan isbeddel, si looga gudbo waa la dilay, waa baxsaday ayuu mar kale yiri.

“Runtii aad ayay u xanuun badan tahay illeen qofkii waa la dilay kii dilayne aaway? lama haayo, waagii hore waxaa la dhihi jiray maleeshiyaad aan heybtooda la aqoon ayaa gaystay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Si kastaba, laamaha amiga oo illaa hadda ka hadlin falkii lagu gubay Luul Cabdicasiis ayaa laga war sugayaa jawaabta ay ka bixiyaan dhacdadaas oo argagax ku reebtay dadka Soomaaliyeed, waxayna ehelladu sheegeen in marxuumadda la aasi doonin illaa inta laga soo qabanayo eedeysanaha oo baxsad ka ah ciidamada ammaanka iyo cadaaladda.

xaquqda waeydhowrantahay:Boudless media

 

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top