skip to Main Content

Hal qof oo lagu dilay weerar ka dhacay Lamu

By Abdinajib Abdullahi

Lamu(Boundless media)Waxaa lagu soo warramayaa in hal qof uu ku dhintay halka ilaa toddobo guri la gubay ka dib markii koox looga shakisan yahay Al-Shabaab ay weerar ku qaadday aagga Widhu ee deegaanka hoose ee Mkunumbi oo ka tirsan ismaamulka Lamu.
Weerarka ayaa la gaystay abaare 2-dii habeenimo ee xalay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ka hor inta aan guriyaha la gubin ay kooxdu dishay waardiyihii dugsiga hoose dhexe ee Majembeni Primary School.
Tuulooyinka Widhu, Salama, iyo Juhudi ee ismaamulka Lamu ayaa waxaa marar badan bartilmaameedsaday kooxaha argagixisada taasoo sababtay in dadka ay guriyahooda ka qaxaan.
Mudd afar bilood ah , waxaa tuulooyinkan ka dhacay ugu yaraan 6 weerarro ah.
Falalkan ayaa lagu burburiyay guriyo dhan 40 halka ilaa toban qof ay ku nafwaayeen.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top