Skip to content

Hogamiyaha mucaradka Kenya oo ku hanjabay in ay dib u billabayaan dibadbaxyadii hadii la ansixiyo Hindise maliyadeedka sanadkan!

By Ayanle Dhiire (Boundless Media)

Madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio la Umoja- One Kenya, Raila Odinga ayaa soo saaray digniin ah inay dib u billaabi doonaan dibadbaxyadii ay hakiyeen haddii baarlamaanka uu meel mariyo hindise maaliyadeedka sanadkan ee Finance Bill, 2023 .
Mr. Odinga ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Bungoma ee galbeedka dalka hoosta ka xarriiqay in hindisahan uu xambaarsan yahay soo jeedinno la xiriira canshuurta oo culeys dheeraad ku ah kenyaanka.
Raila ayaa sheegay in siyaasiyiinta mucaaradka ay ku dadaali doonaan inta ay awoodaan in aan la ansixin qorshahan maaliyadeed.
Hoggaamiyaasha ugu sarreeya Azimio ee kala ah Raila Odinga, Martha Karua iyo Kalonzo Musyoka ayaa sheegay in ansixinta hindise maaliyadeedka aynan dani ugu jirin ganacsatada yaryarTani ayaa imaanaysa iyadoo xubnaha baarlamaanka ee ka tirsan isbeheysiga talada wadanka haya ee Kenya Kwanza ay dhankooda sheegayaan in hindise maaliyadeedka uu meel mari doono.
Guddoomiyaha guddiga baarlamaanka ee miisaaniyadda Ndindi Nyoro ayaa sheegay in warbixinta kama dambeyska ah lagu xusi doono aragtida kala duwan ee ay kenyaanka ka dhiibteen hindisaha

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top