skip to Main Content

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in la soo afjari doono AS

By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka ah AS ee xiligaan ka socda meelo kamid ah gobolada dalka sigaar ah Gobolka Galgaduud, kaas oo lagula wareegay degaano dhowr ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in AS  ay dhibaatooyin kala duwan u geysteen dadka Soomaaliyeed, hayeeshee dhawaan ay soo afjari doonaan ayna sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in ddegaanoa muddo 15 sano ah ay gacanta ku hayeen hadda sinabad ah lagu marayo, isla markaana dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay gacanta ku dhigaan dhul kasta oo ay ku sugan yihiin AS .

Ugu dambeyn Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay in dhulka Soomaaliya uu yahay mid baaxad weyn oo aan bilo kaliya AS  looga saari karin, balse inta ay tabartoodu tahay ay dadaali doonaan.

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli howlgallo Maalmihii la soo dhaafay ay fuliyeen Ciidamada dowladda Soomaaliya ay kula wareegeen degaano iyo degmooyin katirsan Gobolka Galgaduud.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top