skip to Main Content

IPOA oo Baareyso 6 Qof oo Ay Bolisku ku dileen migori

By Ayanle Dhiire (Boundless Media)

Guddoomiyaha maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya arrimaha booliska ee (IPOA) Anne Makori ayaa sheegtay in koox baaritaano sameynaya loo diray ismaamulka Migori si ay u eegaan fal ay ciidamada booliiska ku toogteen 6 qof oo ka mid ahaa dibadbaxayaal ka cabanayay amni darro.

Waxay soo xigatay xeerka IPOA farqada 25-aad qaybta (1) kaas oo qeexaya in maamulka u baaro wixii dhimasho ama dhaawac ah oo ay ka mid yihiin kuwa halista ah.

Makori ayaa qoraal ku sheegtay in marka la soo gabagabeeyo baaritaannada, uu maamulka IPOA qaadi doono tallaabada ku habboon sida inay u soo jeediso agaasimaha dacwad oogidda dalka inuu dacwad ku soo oogo qof kasta oo lagu helo dembi.

Arrintan ayaa dhacday Khamiistii markii dadka deegaanka ay ku xoomeen saldhigga booliska Isebania ee deegaan baarlamaaneedka Galbeedka Kuria si ay uga dhiidhiyaan dilka ganacsade maxalli ah oo lagu magacaabo Moses Mwangi.

Labo baabuur oo ay wateen ciidamada booliska ayaa waxyeello la gaarsiiyay halka ay falcelinta shacabka ku dhaawacmeen 15 askari .

Taliyaha booliska Galbeedka Kuria Cleti Kimayio ayaa ku andacooday in saraakiisha ay ku qasbanaadeen in ay awood adeegsadaan ka dib markii koox baroor diiqaysay ay isku dayeen in ay dab qabadsiiyaan saldhigga booliska ee Isebania ee ismaamulka Migori.

Dhanka kale mid ka mid ah qoyska lixda qof ee ay booliisku dileen ayaa sheegay in ay cadaalad dalbanayaan maadaama wiilkoodu si sharci darro ah lagu toogtay!

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top