skip to Main Content

Jeneral Michael Langley oo la kulmay Axmed Madoobe xilli la qorsheynayo in Jilib…

by abdinajib abdullahi

Kismaayo (Boundless madia) –Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa shalay magaalada Kismaayo ku qaabilay Taliyaha Howl-galka Mareykanka ee AFRICOM General Michael E. Langley.

General Michael E. Langley ayaa booqasho ku jooga magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad-goboleedka Jubbaland.

Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa saraakiisha howl-galka AFRICOM, ATMIS, saraakiisha hay’adaha amniga Jubbaland iyo ciidamada xooga dalka.

Waxaa shir-guddoomiyay kulankaan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxa guddoomiyay madaxweyne Axmed Madoobe, waxaana lagaga hadlay xaalada guud ee amniga.

Sidoo kale waxaa diirada lagu saaray kulankaan bilowga wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, ee dalka looga xoraynayo kooxda.

Kulankaan ayaa imanaya, ayada oo haatan Jubbaland u diyaar garoweyso howl-gallo lagu xoreynayo deegaanada ay weli maamulkaas ka joogaan xoogaga Al-Shabaab.

Ujeedka ayaa ah in la qabto degmada Jilib oo ah xarunta gobolka Jubbada Dhexe, isla-markaana uu ku yaallo saldhigga ugu weyn ee kooxda Al-Shabaab.

Guud ahaan dalka waxaa ka socda diyaar garowga wajiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah ee looga xoreynayo goobaha ay ka joogaan Soomaaliya.

Si kastaba, Wejigii hore ee howl-galka ayaa Al-Shabaab lagaga saaray inta badan deegaanadii ay kaga sugnaayeen dowlad-goboleedyada HirShabelle iyo Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuulaya, sidii dowladdiisu ay dalka kaga cirib-tiri laheyd mintidiinta Al-Shabaab, waxayna dhawaan kooxda wajihi doonta wejigii ugu adkaa ee dagaalka ka dhanka ah oo ay qeyb ka noqonayaan dalalka deriska.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundia media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top