skip to Main Content

Madaxweynaha Dalka Kenya oo sheegay in Qorshaha Dawlada uu yahay in shaqo Abuur la sameeyo,

By Ayanle Dhiire (Boundless Media)

Madaxweynaha dalka oo sheegay in qorshaha dowladda uu yahay in shaqo abuur la sameeyo
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in ajeendaha diiradda u saaran dowladda dhexe uu yahay sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa kenyaanka ku nool gudaha wadanka iyo qurbaha.
Ruto ayaa xusay inay sidoo kale xoogga saarayaan fududeynta howlaha ganacsiga si looga helo fursado badan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in maamulkiisa uu doonaya in dhallinyarada ay ka faa’iidaystaan dhaqaalaha casriga ah iyo baraha online-ka ee lagu soo bandhigo hibooyinka.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sidoo kale tilmaamay inay jiraan fursado dhanka wax soo saarka beeraha iyo guriyeynta ah oo ay da’yarta ka heli karaan shaqooyin.
Ruto ayaa arrimahan ka sheegay kulan magaalada Geneva ee dalka Switzerland uu kula qaatay qurbajoogta kenyaanka ah ee halkaasi ku nool iyo wufuud Kenya matalaysa oo ka qayb galay shirka hay’adda caalamiga ee shaqaalaha ee ILO.
Madaxweynaha dalka ayaa xusay in Kenya ay leedahay kaabayaal maaliyadeed oo garab siinaya ganacsiga online-ka ah.
Waxaa uu sheegay in tani ay tirada dadka adeegsada bangiyada oo horay ahayd boqolkiiba 30 ay ka dhigtay boqolkiiba 80.
Madaxweynaha ayaa sheegay in bishii Sagalaad ee sanadkii hore , adeegyada dowladda ee lagu bixiyo qaab dhijitaal ah ay ahaayeen 320 balse hadda tiradaasi ay kor u dhaafayso 4,000 oo uu qorshuhu yahay in dhammaadka bishan la gaarsiiyo 5,000.
Sidoo kale waxaa uu xusay inuu socdo barnaamijka ay dowladda dhexe xarumaha intarneetka oo gaaraya 25,000 ay uga hirgelinaysa magaalooyinka si gaar ah suuqyada.
Madaxweyne William Ruto ayaa maamulka hay’adda caalamiga ee ILO ugu baaqay in wada hadalladiisa uu ka qayb geliyo dadka shaqo la’aanta ah.
Waxaa uu tilmaamay in hay’addan ay xoogga saarto shaqooyinka iyadoo xita dadka aan shaqeyn ay xuquuq leeyihiin.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale dowladaha Afrika ku boorriyay inay dardargeliyaan ka dhabeynta ajeendaha 2063 ee horumarrada waara si fursado badan loogu abuuro shacabka!

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top