skip to Main Content

Jeyte oo magacaabay xilal dhowr ah, soona kordhiyey gobol loogu magac daray…

Beledweyne (Boundless media) – Cali Jeyte Cusmaan, oo dhowaan sheegtay inuu yahay madaxweynaha maamulka uu iskiis ugu dhowaaqay ee Hiiraan State, ayaa magacaabay xilalka xubno uu sheegay inay maamulka ka mid noqonayaan.

Cali Jeyte ayaa wareegto uu soo saaray ku magcaabay taliyaha Ciidanka Daraawiishta Hiiraan State oo loo magcaabay Suleeymaan Geeddi Ibraahim.

Waxa uu sidoo kale u magcaabay Taliye ku xigeenka Ciidanka Daraawiishta Cabdullahi Maxamed Faarax Biriq, halka uu taliyaha Saadka Ciidanka Daraawiishta u magacaabay Afrax Cali Xasan (Afrax Yare).

Jeyte Cismaan ayaa wareegto kale oo uu soo saaray ku magcaabay guddoomiyayaasha gobolka Hiiraan iyo gobol cusub oo loogu yeeray Shabeellada Sare.

Jeyte ayaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan u magacaabay Cabdicasiis Axmed Cadoow (Jaaburi), halka uu guddoomiyaha “gobolka Shabeellada Sare” u magcaabay Cabdiladhiif Faarax Aadan.

Ugu dambeyn Jeyte ayaa afhayeenka madaxtooyadiisa u magacaabay Maxamuud Maxamed Saxane Odowaa.

Tallaabooyinkan ayaa imanaya ayada oo sidoo kale Cali Jeyte uu Khamiistii magaalada Beledweyne ka dhagax-dhigay madaxtooyo cusub oo maamulkiisa Hiiraan State uu yeelanayo.

Cali Jeyte ayaa wacad ku maray in reer Hiiraan ay dhisa doonaan madaxtooyadaas oo ‘igu sawir’ aysan ka noqon doonin, wuxuu sheegay in hadda ay ka baxayaan tabasho ay qabeen tan iyo xornimadii dalka.

Cali Jeyte ayaa toddobaad kahor ku gacan sayray xil ka-qaadis uu ku sameeyey madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe, wuxuuna kadib qaaday tallaabo uu ku xajisanayo awoodda gobolka Hiiraan, isaga oo ku dhowaaqay maamul uu ugu magac daray Hiiraan State.

xaquuqda weydhowrantahay: Boudless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top