skip to Main Content

Jubaland oo jawaab ka bixisay weerarkii SACIID DENI

by Abdinajib Abdullahi

Kismaayo (Boundless media) – Maamulka Jubbaland ayaa si adag uga jawaabay hadal dhawaan kasoo yeeray madaxweynaha Puntland Saciid Deni, kaasi oo uga deyriyay xiisadda gobolka Gedo, oo uu sheegay in lagu qasbayo maamul aysan raali ka aheyn.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in walwal ay ku heyso xaaladda gobolka Gedo, gaar ahaan xasilooni darro uu sheegay inay kasoo korortay gobolkaasi, oo isku hayaan maamulka Jubbaland iyo siyaasiyiinta gobolka.

Saciid Deni oo nasiib darro ku tilmaamay in dadka gobolka Gedo lagu caburiyo wax aysan rabin, ayaa waxa uu soo jeediyay in Jubbaland dib-u-heshiisiin dhameystiran loo sameeyo, islamarkaana xiisada ka taagan gobolkaasi aan xabad iyo caburin loo adeegsan..

Cusmaan Xaaji Nuur oo ah guddoomiye ku-xigeenka maamulka cusub ee gobolka Gedo uu dhawaan u magacaabay madaxweynaha Jubbaland ayaa hadalka kasoo yeeray Saciid Deni ku sheegay mid uu taageero kaga raadinaayo shacabka gobolka Gedo.

“Deni markii siyaasadiisa ay isaga hor yimaadeen dowladda Fedaraalka iyo dowlad-goboleedka Jubbaland ayuu taageero kaga raadsanaya shacabka gobolka Gedo,” ayuu yiri Cusmaan Xaaji Nuur.

Sidoo kale waxa uu sheegay in reer Gedo aysan jirin wax ka halaysan, islamarkaana madaxda xukunta uu ugu horeeyo madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe iyo madaxweyne ku-xigeenkiisa.

“Wax dhib ah oo ka jira gobolka Gedo ma laha. Dadka Reer Geddo wax aysan rabin meeshan ma yaalaan, dowlad-goboleedka Jubbaland ayey hoostagaan.”

Cusmaan ayaa waxa ka taagan Gedo ku eedeeyay shaqsiyaad horay xilal uga soo qabtay Jubbaland, kuwaasi oo uu sheegay inay fowdo wadaan, sida uu hadalka u dhigay.

Siyaasiyiintaas ayuu sheegay guddoomiye ku-xigeenka maamulka cusub ee gobolka Gedo in xilalkoodii ay hayaan dad iyaga ku heyb ah oo ku matala maamulka Jubbaland.

Arrimahan ayaa imanaya xilli xiisadda Gedo ay mar kale cirka isku sii shareertay, kadib markii uu Axmed Madoobe maamul cusub u magacaabay gobolkaasi, ayada oo xal laga gaarin khilaafkii hore.

Toddobaadkan gudahiisa ayay aheyd markii magaalada magaalada Garbahaareey laga soo celiyay diyaarad uu la socday guddoomiyaha cusub ee dhawaan uu magacaabay Axmed Madoobe, kadib markii ay is-hortaag ay ku sameyeen xubno ka tirsan maamulka horay ugu magacawna gobolkaasi iyo dad deegaanka.
Si kastaba, lama oga halka ay ku furan doonto arrinta haatan soo korortay oo durbo saameynteeda la dareemay, maadaama la hakiyay duulimaadyadii gobolka Gedo.

xaquuqda weydhowrantahay: Boudless media 

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top