skip to Main Content

Wasiir Doodishe oo si lama filaan ah uga hadlay arrinta gobolka GEDO

by Abdinajib Abdullahi

Muqdisho (Boundless media) – Wasiirka amniga gudaha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka SMS Somali Tv ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xiisadda gobolka Gedo.

Doodishe ayaa si lama filaan ah uga hadlay arrinta Gedo, isaga oo caddeeyay mowqifkiisa ku aadan xiisadda weli ka jirta gobolkaas ee u dhexeyso reer Gedo iyo Axmed Madoobe.

Wasiirka ayaa marka hore shaaca ka qaaday in arrinta Gedo aysan aheyn wax cusub, isla-markaana ay muddo dheer soo jiitameysay, taas oo ah dhibaato weli jirta.

“Xiisadda gobolka Gedo waxa cusub ma’aha muddo ayay soo jiitameysay Jubbaland dhismaheeda ayay kasoo bilaabatay culeyso ayaana imaanayay mar kasta,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xiisaddan ay salka ku heyso dhismaha Jubbaland, isaga oo xusay in sababteedana ay tahay doorashadii ugu dambeysay ee Axmed Madoobe.

Wasiir Doodishe ayaa si cad u sheegay inuu taageersan yahay reer Gedo, isla-markaana uu ku rabitaan yahay, sida uu ku sheegay wareysiga uu bixiyay.

“Gobolka Gedo waa lagu diriray, waxaa loogu dirirayna waa Doorasho sababteed, sidii 2019-kii uu bannaanka u taagnaa ayuu bannaanka u tagnaanayaa illaa doorasho intay dhacdo Axmed Madoobe uu meesha ka tago, laakiin intaan dadkii u tago oran maayo maxaad rabtaan?, waan ogahay waxa ay rabaan, waxa ay rabaana waa waxa annigu rabo.” ayuu mar kale wareysigan ku yiri wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu kasoo horjeestay maamulka cusub ee Axmed Madoobe u magacaabay gobolka Gedo, isaga oo sheegay in xiisadda uu sii huriyay, maadaama isla markii uu weerar ka dhacay magaalada Garbahaarey, kaas oo lagu qaaday guriga Ugaas caan ka ah Gedo.

Ugu dambeyn wuxuu u jawaabay madaxweyne Saciid Deni oo Khamiistii ka hadlay arrinta gobolka Gedo, isaga kusoo daray khudbad uu u jeediyay baarlamanaanka Puntland.
“Shalay DF oo taageeraysa Gedo ayuu gacan siinayay Jubbaland oo madaxweynaha Dawladda Federaalka ayuu kula loolamayay arrinta Gedo” ayuu kusoo gabagabeeyay.

xaquuqda weydhowrantahay:Boudless media 

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top