By isxaaq Rashiid Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeen Galmudug Ali Dahir Eid ayaa Shir gudomiyay…

Kenya iyo Angola oo yeeshay wada hadalo Dhanka Ganacsiga Ah
By Ayanle Dhiire ( Boundless Media)
Madaxa wasiirrada dalka Musalia Mudavadi ayaa kulan labo geesood ah la qaatay madaxweynaha wadanka Angola Joāo Manuel Gonçalves Lourenço.
Labada mas’uul ayaa ku kulmay shir heerkiisu sarreeyay oo ka qabsoomay caasimadda dalkaasi ee Luanda kaasoo looga hadlayay xal u helidda amni darrada Congo.
Wada hadallada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta danaha ka dhexeya dowladaha Kenya iyo Angola gaar ahaan ganacsiga dhanka beeraha, shidaalka, macdanta , dalxiiska iyo kheyraadka badda.
Mudavadi ayaa xusay in isaga iyo hoggaamiyaha Angola ay sidoo kale ka wada hadleen kaalinta muhiimka ah ee ay labadan dowladood ka qaataan arrimaha nabadgalyada iyo xasiloonida qaaradda Afrika.
Waxaa Musalia Mudavadi wada hadallada ku wehelinayay xoghayaha waaxda arrimaha baarlamaanka Aurelia Rono , madaxa safaaradda Kenya ay ku leedahay dalka Angola Andrew Mujivane iyo Samuel Karanja oo ah la taliyaha gaarka ah ee xafiiska madaxa wasiirrada dalka.
Musalia Mudavadi ayaa kulanka ka dhacay Angola ku matalayay madaxweynaha dalka William Ruto!
This Post Has 0 Comments