skip to Main Content

Mamulka IPOA oo cambaareyay werar polis logu geystay mandera!

By Ayanle Dhiire (Boundless Media)

Maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliiska ee IPOA ayaa bayaan uu soo saaray ku cambaareeyay weerar Jimcihii lagu bartilmaameedsaday saraakiisha booliiska ee keydka.
Falkaasi oo ka dhacay ismaamulka Mandera ayaa lagu dilay hal sarkaal iyadoo labo kalena lagu dhaawacay.
Guddoomiyaha IPOA Anne Makori ayaa qoraal ku sheegtay inay walaac ka muujinayso xaaladda amni ee gobolka Waqooyi Bari waxayna ku baaqday in la soo xiro dadkii weerarkaasi gaystay.
Waxay intaasi ku dartay in maamulkan uu tacsi u diraya taliyaha guud ee booliiska , adeegga qaran ee booliiska ee NPS, booliiska keydka ,qoysaska iyo asxaabta askariga la dilay.
Bayaanka IPOA waxaa ku cad inay si kulul u cambaareynayaan tallaabooyinka kooxo hubeysan oo doonaya inay khalkhal geliyaan xasiloonida.
Sida laga soo xigtay maamulkan, baaritaannada horudhaca ah ayaa muujinaya in weerarkaasi uu ahaa mid argagixisannimo oo si fuleynimo ah loo fuliyay.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top