skip to Main Content

Kenya oo shaacisay lacag badan oo ay ku bixineyso la dagaalanka Al-Shabaab

by abdinajib abdullahi

Gaarisa (Boundless media) – Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Kenya ayaa shaacisay in malaayiin lacag ah ay ku bixineyso la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab, kadib bayaan rasmi ah oo ka soo baxay maanta.

Waxaa kaloo ay wasaaraddu sheegtay in 1-da bisha soo socota ee July dib loo furi doono xarunta qaadashada baasaboorka Kenya ee ku taalla magaalada Gaarisa.

Xildhibaan lagaso doorto deeganka dadaab Faarax Macalin oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka qeyb gashay kulanka ka dhacay Gaarisa ayaa sheegay in la furi doono isku socodka shucuubta Soomaaliya iyo Kenya.

“Xadka ayaa la furayaa, seddax jeer ayaan la kulmay madaxweynaha Kenya waxaan kala hadlay in la furo isku socodka shacabka labada dal, nabad geliyada Kenya waxaa la sugi karaa markii xuduuda la furo, sidoo kale wasiirka difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa iga balan qaaday in la furi doono xuduuda labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya,” ayuu yiri Xildhibaan Faarax Macalin oo ka tirsan baarlamaanka Kenya.

Wasaaradda arrimaha gudaha Kenya ayaa sheegtay inay shacabka iyo maamullada gobollada waqooyiga dalka Kenya ay ku heshiiyeen iskaashi buuxa oo looga hortegayo weerarrada  Al-Shabaab ay ka geystaan gudaha dalkaas.

“Dowladdu waxay ku bixineysaa la dagaalanka Al-Shabaab 20 Milyan oo lacagta dalka Kenya ah, si ciidamadu ay u helaan adeegyada ka saamixi kara inay si buuxda u sugaan amniga muwaadiniinta Kenyaanka ah,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Kenya.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay inay soo dhamaadeen waayihii ay Al-Shabaab dili jireen muwaadiniinta Kenyaanka ah oo ciidamada qaranka Kenya ay beegsa jireen, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Kenya.

Saraakiisha ugu sareysa dhinaca amniga ee dalka Kenya waa Soomaali ka soo jeeda gobollada NFD ee Soomaalida Kenya, waxayna hadda masuuliyiinta Soomaalida ah ka shaqeynayaan in dib loo furo xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.
Sidoo kale waxay siyaasiyiinta metesha Soomaalida Kenya ka shaqeynayaan in dib loo furo xaruntii bixinta baasaboorka dalka Kenya ee magaalada Gaarisa iyo xuduuda labada dal oo u go’an cabsida laga qabo weerarrada Al-Shabaab.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top