Skip to content

Laamaha Amaanka oo hub Ku Qabtay Garissa

By Ayanle (Boundless Media)

Waaxda qaran ee adeegga booliiska ee NPS ayaa sheegtay in howlgal amni oo laga fuliyey ismaamulka Garissa lagu soo qabtay hub.

Laamaha ammaanka ayaa sheegay inay weerar ku qaadeen goob ay ku dhuumaaleysanayeen dad looga shakisan yahay Al-Shabaab in kastoo ay baxsadeen.

Qoraalka NPS waxaa ku cad in saraakiisha qaabilsan howlgallada gaarka ah ay howlgal ku bartilmaameedsadeen 10 maleeshiyaad ah oo ay rasaas iswaydaarsadeen.

Hubka la soo helay waxaa ka mid ah 6 qori oo ah nooca AK47, 20 ka mid ah qasnadaha rasaasta , 2 ah bam gacmeed, bamka dhulka lagu aaso iyo taleefoonka gacanta.

Weerarka ayaa laga fuliyay agagaarka tuulada Dhiciso ee Garissa.

 

” Gobolka Garissa Aya billoyinkii Dambe Waxa Qeybo Kamida Ah Waxa Kajirtay Amini Daro Iyado Ay Agagaarka goobta Hubkan lagu Qabtay Ay Ka Qaraxyo Ka Geysteen Argagixisada Alshabab!

Xuquuqda wey dhawrantahay!

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top