By isxaaq Rashiid Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Abshir (Qaanqaa) ayaa sheegay sababaha dalkooda loogu celinayo…
Maamulka Galmudug oo soo farageliyay dagaalka ka socdo Xeraale & Cabudwaq.
By isxaaq Rashiid Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa guddi ka kooban shan wasiir u magacaabay xal u raadinta colaadda u dhaxaysa beelaha walaalaha ah ee wada dega inta u dhaxeysa degmooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale ee waqooyiga Gobolka Galgaduud.
Dhimashadii ugu badneyd iyo dhaawac tiro beel ah ayaa la soo warinayaa inuu ka dhashay dagaalkaas shalay ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Xeraale iyo Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.
Wararkii u dambeeyay ayaa tilmaamaya in dhaawacu ka badan yahay 60 ruux, halka dhimashadu kor u dhaaftey konton qof oo isugu jira dhinacyada dagaalamaya iyo xubno ka tirsan Ciidamada amaanka Galmudug oo ku howlanaa in ay Kala dhex galaan dhinacyada.
Saraakiisha Caafimaadka ee Isbitaalada Cadaado, Caabudwaaq iyo Xeraale ayaa xaqiijiyay in dhaawacyo aad u badan isbitaaladooda la jiifiyay, kuwo hor lehna ay saacad walba soo gaarayaan. taasina keeneyso in aysan tiradu wali xaddidneyn.
This Post Has 0 Comments