skip to Main Content

Madaxweynaha Kenya oo shaaciyey qorshayaal ay uga shaqeynayaan talaalada kala duwan

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Kenya ay qaaday wadadii ay ku soo saari lahayd daawooyinka tallaalka ee xanuunada kala duwan kuwaasoo lagu sameynaya gudaha wadanka.

Xilli uu shalay jeediyay khudbadii 16-aad oo ku saabsan cudurka COVID19 ayuu hoggaamiyaha wadanka sheegay in la joogo xilligii laga kaaftoomi lahaa taageerada wadamada kale.

Mr. Kenyatta ayaa xusay in qorshaha fog ay qayb ka tahay in la furo xarun lagu soo saaro tallaalka uu u baahan yahay aadanaha si loola tacaalo xanuunada kala duwan.

Tani ayaa imaanaysa iyadoo gudaha wadanka uu hadda ka socdo tallaal ka dhan ah xanuunka jadeecada oo lagu bartilmaameedsanaya carruurta ay da’doodu ka hooseyso shan sano.

By Najib AQyar

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top